U bood dhigaalka

Roobow Oo Kormeeray Xarumo Ciidan Oo Ku Yaalla Baydhabo

Diseembar 3, 2017

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay wuxuu kormeer ku tagay xarumo ciidan oo ku yaalla magaaladaasi.

Roobow ayaa kormeeray saldhiyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ka degan yihiin Baydhabo iyo duleedkeeda.

Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed.

Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan.

Goobjoog News