U bood dhigaalka

Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo La Filayo In Lagu Dhammeystiro Dhuusamareeb

Jannaayo 18, 2018

Sida qorshaha yahay, maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud lagu dhammeystiro heshiiskii Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

Waxaa degmada Dhuusamareeb ku sugan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, K/galbeed iyo sidoo kale Puntland.

Heshiiskan waxaa qalinka ku wada duugi doona madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa wasiirada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Degmada Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga loogu jiro heshiiskan, iyadoo ammaanka magaaladaasina aad loo adkeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News