U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Gobolka Bakool

Abriil 25, 2018

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in nawaaxiga degmada Tiyeeglow ee gobolkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan,  kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed, kuna sii jeeday degmada Tiyeeglow ayaa la sheegay iney jidka u galeen dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana la isku adeegsanayaa rasaas culus.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee dadka ku dhaqan Tiyeeglow ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas aad u xooggan.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka Bakool weli  wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News