U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Socda Deegaanno Ku Dhow Baar Sanguuni, J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa waxay maanta howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanno ku dhow deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay ku baxeen deegaanno la sheegay in Al-shabaab ay shalay kasoo weerar tageen.

Ma jiro wax iska horimaad ah oo ay ciidamadan kala kulmeen Al-shabaab tan iyo saakay inta howlgalladan ay bilaabeen, iyaga oo gaaray dhowr tuullo.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa si kooban ugu sheegay warbaahinta in ulajeedka howlgalkaan yahay sidii ay uga daba tagi lahaayeen Al-shabaabkii weerarka kusoo qaaday Baar Sanguuni, iyo in la xasiliyo xaaladda guud ee deegaannada ku dhow deegaankaasi.

Dagaalkii shalay ka dhacay Baar Sanguuni ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof, iyadoo sidoo kalena Labada dhinac dhaawacyo badan uu soo kala gaaray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News