U bood dhigaalka

Baydhabo Oo Looga Dhawaaqay Urur Qareen

Ogoosto 5, 2018

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka ayaa looga dhawaaqday ururka qareennada Madaxa banaan kuwaasi oo dadka ka caawin doona helidda adeegga garsoorka .

Daahir Maxamed Cali oo xogheyaha ururkan ayaa sheegay in Shacabka ay kala shaqeyn doonaan sidii ay u heli la haayeen nidaam garsoor oo ku dhisan Caddaalad.

“Waxaan baalanqaadeynaa in aan Shacabka kala shaqeyn doonno sidii ay u heli lahaayeen Caddaalad marka ay Maxkamadaha joogaan si hufanna loogu kala gar qaado”.

Guddoomiyha maxkamadda Sare ee K/ Galbeed Soomaaliya Axmed cali Muuse ayaa isna sheegay muhiimadda uu leeyahay in la dhiso Uururka qareennada Koofur Galbeed waxaa uu tilmaamay in Shacabka ay u baahanyihiin garsoor ku dhisan Caddaalad.

“Umadda aqoon uma lahan Sharciga waxaa lagama maarmaan ah in ay helaan dad ka caawiya sharaciga dadkaas oo u dhashay deegaanka “.

Wasiirka Cadaaladda Maamulka K/Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay wada shaqeyn dhow la yeelan doonto ururkan, ururkan ayaa waxaa uu ka caawin doonaa dadka sidii ay u heli lahaayeen garsoor ku dhisan caddaalad waxaa ayna dadka ka caawin doonaan dhanka Sharciga.

Goobjoog News