U bood dhigaalka

Dhageyso: Duqeyn Ka Dhacday Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Maanta ayay ahayd markii dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM(Jabuuti iyo Itoobiya) iyo ciidanka dowladda oo isku dhinac ah iyo Alshabaab uu ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde.

Ilo wareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in duqeynta ay fulisay diyaarad nooca Millateriga ah, lamana oga illaa hadda cidda wadday iyo dalka ay laga leeyahay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhasheen dagaalka iyo duqeynta.

Hoos Ka Dhageyso:

Goobjoog News