U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar: NISA Been Abuur Ayey Sameysay

Sheeko:Amniga

Wasiirkii amniga ee xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamuud oo maanta ka hadlayey qoraal oo barta Twitter-ka ay soo dhigtay hayadda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayuu ku tilmaamay eedeynta been-abuur hey’addaasi sameysay si loo dhaawaco sharftiisa.

Xildhibaan Cabdirisaq wuxuu hadalkiisa ku bilaabey“Sida aad la socotaan xalay hay’adda NISA waxaa ay boggeeda Tweterka ku soo galisay hadal qoraala hadalkaasna waxa uu u qornaa sidatan

“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga,si’ uu  u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso”

Xildhibaan Cabdirisaq oo sii hadlaya “Waxaan leeyahay hadalkan waa hadal siyaasadeysan lehna ujeedooyin badan inta aanan ka hadlin, waxaan rabaa inaan ka hadlo qandaraaska ay halkan ku soo qoreen waxa uu yahay shacabkana aan lawadaago xog iyo xaqiiqooyin arintaan ku saabsan. Qandaraasku uu maray nidaamkii iibka qaranka, waxaan maamulka iyo maareynta qandaraasku dhacay si waafaqsan sharciga oo ayna hormuud ka aheyd wasaaradda maaliyadda.

Waxa uu ahaa qandaraas furan oo la raacay waxii loo baahnaa oo ay ka mid aheeyd in lagu faafiyo baraha bulshada sida mediaha websideyada, tartanna loo galo tartankaas oo ah tartan furan, shirkadihii ku guuleysatana la siiyo qandaraaskaas, waxaa lacagta maamulka qandaraaska ka dhaxeysay NISA, shirkadda iyo wasaaradda maaliyadda.

Kaalinta wasaaradda amniga oo anigu markaas aan hoggaaminayay waxauu ahaa mid xadidan, waxa uuna ahaa mid aan dhaafsiisneyn saxiixa aan saxiixay heshiiska, heshiiskaas oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maaliyadda. Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed aan la wadaago, wasaaradda amniga waxaa ay qandaraaskaas ku laheed uun ahaa inaan saxiixo,  maadama NISA ay hoos imaaneysay wasaaradda amniga, heshiiska shirkadda lala galayna waxaa soo diyaariyay wasaaradda maaliyadda. Wasaaradda maaliyadda ayaa ammaan badan ku heshay qaabka loo bixiyay qandaraaskaan oo guddiga mamulka maaliyada oo loo yaqaano (FGC) waxa ayna marwalba u soo qaadan jireen inuu ahaa qaabkii ugu wanaadsanaa in loo maareeyay qandaraaska laga hadlaayo waa qandaraas nuucaas ahaa.

Waxaa uu is-weydiiyey waxa xilligan ku soo beegay “Waxaa u bahaan in lays weydiiyo maxaa labo sano ku dhawaad keenay in NISA ay soo dhigto barteeda waliba qaab aan asluubeysneyn loo soo dhigo, waxaan aaminsanahay arrintaan inay tahay mid ujeedo badan, waxaadna ogtihiin inaan anigu marwalbo ahay xildhibaan dowlada ku dhaliila qaladaadkeeda iyo madaxtooyada, arintaana waxa ay qeeb ka tahay dagaalka siyaasadeed ka socota xukuumadda iyo madaxtooyada lana rabo in lagu dhaawaco sumcadeyda, maadaama aan dhaliio badan shacabka aan la wadaago qaladaad badan oo dowladana aan ogahay xoga badan aan hayo badanaa xildhibaanada ayna heynin

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamuud waxaa uu arrinkaas ku soo afjaray “waayahan danbe waxaa bilowday dhaqan siyaasiyiinta loogu hanjabayo lana leeyahay xeer ilaaliyaha iyo hantidhowrka ayaa laguu gudbinayaa, dhaqankaas oo ah mid cabsi galina laguna handadayo siyaasiyiinta lakiin aniga arrintaan waxa ay i galinaysaa yidadiillo hor leh waxa aya isiisay dhiiranaasho.

Arrintan waxaa ay jawaab u tahay, hay’adda NISA oo sheegtay in ay hakisay Qandaraasyo malaayiin Doollar ah oo baxay sanadihii la soo dhaafay.

Warkan ka soo baxay Taliska NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in qandaraasyadan la hakiyay uu saxiixay Wasiirkii Hore Amniga, islamarkaana loo gudbiyay Hanti-dhoorka guud ee Qarank.

“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga,si’ uu  u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay’adda oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka NISA.

Goobjoog New