Warbixin: Walwal Siyaasadeed Oo Ka Jira Magaalada Baydhabo (Dhageyso)
Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka jira qalqal dhanka siyaasadda ah, iyadoo bilihii ugu dambeeyey magaaladaasi ay ka taagneyd xaalad kacsanaan oo dhanka siyaasadda ah.
19-ka bishan ayaa loo ballansan yahay iney dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed, wallow ay marar badan dib u dhacday.
Shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan Baydhabo waxay qaarkood qabaan aragti ah in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso doorashada K/galbeed.
Arrinta ugu weyn ee ay ka qeylo qaadeen dhinacyadan ayaa ah ciidamadii dowladda dhexe ay dhowaan geysay magaalada Baydhabo.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News