Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool oo maalmihii dambe ay ciidanku wadeen howlgallo ay kula wareegayaan deegaannadaasi.
Deegaanada ay ciidamada huwanta ah ay kala wareegeen Al-Shabaab ayaa kala ah Wareeyn, War-dhato, Ceelahaley, iyo Moorigaabey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Bakool, waxaana inta badan gobolka muddooyinkii dambe ku qulqulayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka, daraawiishta iyo kuwa deegaanka.
Taliyaha guudtada 9-aad qeybta 60-aad Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in howlgallada gobolka Bakool ay sii wadi doonaan oo ay doonayaan in ay isku furaan gobollada Baay iyo Bakool oo kala goโdoonsan marka la eego in ay deegaanno badan laga heysto.




From the comments