U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagreen iyo Wafdi Ballaaran oo Lagu Soo Dhoweeyay Xudur +Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kaas oo hordhac u ah madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku wajahan Xudur.

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xudur, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweyne Laftagareen Hogaaminayey kusoo dhoweyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool uu safar ku gaaray.

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Magaalada Xudur ayaa ah Dardar-Gelinta Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Alshabaab deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana uu kusoo aadayaa xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed.

Goobjoog News