U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Roobab ka Da’ay oo Sababay Go’doonka Waddada Muqdisho iyo Baydhaba

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ayey maalmihii la soo dhaafay gobollada Baay iyo Bakool ayaa sababay khasaare xooggan oo soo gaaray dadka shacabka ah ee kunool magaalooyinka qaar, marka laga eego Baydhabo, Xudur, Buurhakaba iyo Bardaale, waxaana intooda badan ka dhashay barakac xooggan.

Magaalada Baydhabo Roob xooggan ayaa sababay in xaafaddaha Magaalada soo galaan Biyo xooggan kuwaas oo kala xiray badi xaafaddaha Magaalada, taasi oo sababtay barakac xooggan iyo in xaafadaha qaar dadkii ku go’doomaan oo ka bixi kari waayeen, waxaana socda gurmad lagu samatabixinayo.


Roobabkan Mahigaanka ah ayaa sidoo kale sababay in Barakac xooggan oo ka dhacay Degmada Xuddur ka dib markii Biyo xooggan ay soo galeen Xafaddaha Degmada, waxaana xirmay isha kaliya ee degmada ay wax ka heli jirtay oo ahaa garoonka diyaaradaha oo ay dhex xeegaagaan biyo buux dhaafiyay gudaha.


Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo sida uu xaqiijiyey ayaa la xaqiijiyay in ay biyaha ay gooyeen, taas oo joojin karta ganacsiyadii tagi jiray magaalada Baydhaba oo ka bixi jiray Muqdisho,maadaama ay tahay waddada kaliya ay wax u soo maraan bulshada ku dhaqan gobollada dhaca Koonfur Galbeed.