U bood dhigaalka

Dowladda oo Burburisay Xarummo ay Shabaab lacag Ku Qaadi Jireen

Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen ciidamadeeda xoogga dalka ku burburisay xarumo ay lacagaha ku qaadi jireen kooxda Shabaab.

Deegaannadan oo ka tirsan Daynuunaaye ee gobolka Baay ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxdan iyada oo sidoo kale la gaarsiiyay Khasaare kale.

-galkaan ayaa lagu burburiyay goobo lacago Al-Shabaab uga qaadi jireen dadka shacabka. Sida uu sheegay Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey).

Taliye Dhageey ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab howl-galka looga burburiyey goobo ay lacago baad ah ay kaga qaadayeen shacabka, oo u dhaxaysa deegaanada Moodo–Moodo iyo Daynuunay ee gobalka Baay.

Deegaano ka tirsan gobolka Baay iyo guud ahaan dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa ka socdo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.