U bood dhigaalka

Cayaarta Super Cap-ka Soomaaliya oo Ka Dhaceysa Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha Gaadiidka iyo Dekadaha oo talaadada Ku hardami doona kadib markii ay maanta u safreen Baydhabo hallaas oo lagu wado in lagu qabto cayaarta xiisaha badan ee koobka Super Cup-ka Soomaaliya sanadka 2023.

Garoonka Kubadda Cagta ee Dhaqtar Ayuub Stadium ayaa lagu ciyaari doonaa kullanka xiisaha badan ee labada kooxood, labadaan koox ayaa saameyn weyn ku leh horyaalka dalka, iyaga oo ku hardama.

Koobka Super Cabaha Soomaaliya, waxaa ciyaara sanad walba kooxda kusoo guuleysata horyaalka dalka iyo kooxda kusoo guuleysata koobka lagu xasusuusto AUN taliye General Daa’uud Abdullaahi Xirsi

Naadiga Gaadiidka ayaa sanadkii hore kusoo guuleysatay horyaalka Kubadda ee dalka Somali Premier League, halka naadiga Gaadiidka sanadkaan ay ku guuleystay Koobka General Daa’uud.