U bood dhigaalka

Bardaale iyo Waajid oo Fatahaadda Darteed Looga Barakacay

Magaalooyinka Waajid iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayay roobab badan, kuwaas oo biyo badan dhigay gudaha magaalooyinka, taasi oo keentay barakac xooggan, waxaa ayna dadka deegaanka wajahayaan xaalado banii’aadamnimo.

Wararka ka imaanaya Degmada Berdaale ayaa sheegaya in degmaxa ay go’an yihiin inta badan adeegyadii bulshada, sida korontada , biyaha, isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha kadib roobab lixaad leh oo saacadihii lasoo dhaafay halkaasi ka da’ay, kuwaas oo ay ka dhasheen daadad xooggan oo kusoo rogmaday gudaha degmada.

Wariyaasha ku sugan gobolka Baay, ayaa ayaa tabinaya in khasaare baaxad leh oo ka dhashay roobka iyo daadadka ay ka jiraan degmada , kuwaas oo ay waxyeello ay kasoo gaadhay goobihii ganacsiga iyo suuqyadii magaalada oo gabi ahaan ku xirmay, xilli Al-Shabaab ay hore u go’doomiyeen Bardaale.

Dhanka Wajid ee gobolka Bakool malinba malinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya khasraha roobka iyo daadadku ay sameynayaan, waxaana sidoo kale ku baaba’ay dhulbeereed aad u ballaaran, tani Waxay Muujinaysa dhibatoyinka fatahadaha ay wataan eek a jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Maamullada magaalooyinka Bardaale iyo Waajid ayaa ku ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay daadadku ka bara kiciyeen guryahooda, kuwaas oo deegaansanaya bannaanka iyo daafaha magaalooyinka biyaha looga barakacay, xilli wali Roobabka Dey’ta hadda ay bilow wali yihiin.

Gobollada dalka gaar ahaan kuwa deegaannada dhaca deegaannada Koonfureed ayaa saameyn badan waxaa ku yeelanaya roobka daadad iyo fatahaado ka dhashay, waxaana xaaladdu ay tahay mid aan la saadaalin karin waxa dhici kara maalmaha soo aadan, dowladduna waxaa ay wali diraysaa digniino.