U bood dhigaalka

Saaka Iyo Baydhabo: Xildhibaan La Dilay, Dibad-baxyo Socda iyo Ciidamo…..

Waxaa saaka magaalada Baydhabo lagu dilay xildhibaan Cabdishakuur Buulle, oo ahaa guddoomiyaha guddiga amniga ee baarlamaanka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Amni ahaan, waxaa Baydhabo lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow.

Dhinaca kale, weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo waxaa uu soo sheegayaa in dibad-baxyo socdaan kuwaas ilaa shalay socday.

Qalalaasaha Baydhabo aya imaanaya kadib markii Khamiistii ay dowladda federeaalka ah soo xirtay murashaxii madaxtinnimada koonfur galbeed Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Mansuur hadda waxaa uu ku xiranyahay Muqdisho.

Goobjoog News