Waxgaradka B/weyne Oo Baaq u Diray Beello Ku Dagaallamaya Xadka Gobollada Hiiraan Iyo Sh/dhexe
Waxgaradka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaaladaasi ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka socda deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Waxa ay sheegeen waxgaradkan in dagaal aanu waxbo soo kordhineyn, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo isku imaanshiyaha.
Sidoo kale, waxgaradkan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle iney dhexda u xirtaan sidii loo damin lahaa colaaddaasi.
“Dowladda dhexe iyo Hirshabelle waxaan idin leenahay kaalaya oo kaalintiina ka qaata xasilinta colaadahan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay.
Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Hirshabelle waxaa kasoo cusboonaaday dagaallo sokeeye, iyadoo weli aan xal laga gaarin.
Goobjoog News