U bood dhigaalka

Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Jannaayo 29, 2019

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaarigan uu ku ag qarxay meel ku dhow wasaaradda Batroolka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay qaraxa halka 4 kale ay ku dhaawacmeen qaraxa, sidaasi waxaa sheegay goobjoogayaal.

 

Goobjoog News