U bood dhigaalka

Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xalay saq dhexe ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeyn ka geysteen saldhigyo la sheegay in Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Deaagaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Hiiraan ayeey diyaaradahan duqeymaha ka fuliyeen.

Sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Hiiraan, diyaaradahan ayaa duqeynta ka fuliyay deegaannada Oroton, Masara Jibista iyo kuwo kale.

Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen in duqeyntan waxyeello lagu soo gaarsiiyey xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinno kale ma aanay bixin.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa inta badan duqeymaha sidan oo kale ah waxa ay ka fuliyaan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News