Akhriso: Qaabka Loo Aasayo Marxuum Saqar, Wasiir Ku-xigeenkii W/shaqada iyo Shaqaalaha
Sheeko:Dalka

Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdishu ay ka dhacdo duugta wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla. Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay mid ka mid ah qaraxyada lala beegsaday wasaaraddiisa.
Sida jadwalku yahay, saacadda 8:00 subaxnimo ayaa lagula tukanayaa janaasada maydka marxuumka masjidka shuahadada ee madaxtooyada, kadibna waxaa lagu aasaayaa qubuuraha isbitaalka Madiina.
Tiro 5 ka badan ayaa ku dhimatay halka dhaawacyada ay 10 ka badan yihiin qaraxyo sabtidii lala eegtay xarunta Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha.
Goobjoog News