U bood dhigaalka

Howlgal Dad Badan Lagu Qabtay Oo Ciidanka DFS Ka Sameeyeen Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidanka DFS ayaa waxay howlgal ballaaran xalay ka fuliyeen xaafaddoo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa xooggiisa wuxuu ka dhacay laanta Barwaaqo illaa Laanta Saddexaad, waxaana lagu soo qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo meel fagaare ah la isugu geeyey.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalkan dadka lagu qabtay u badnaayeen dhallinyaro deggan xaafadahaasi, kuwaasi oo qaarkood baaritaan kadib lasii daayey, halka kuwo kalena la sheegay in loo gudbiyey saldhigga Furayaasha ee degmadaasi.

Ma jirto wax faah faahin ah oo howlgalkan ay ka bixiyeen maamulka degmada Warta Nabadda iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysay.

Goobjoog News