Akhriso: 9 Sabab Oo Aanu Baarlamaanka Federaalka u Ansixin Karin Sharciga Saxaafadda!
Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa rajo fiican ka qabtey in sharciga saxaafadda ee wax ka bedelka lagu sameeyey uu markan noqdo mid u adeega horumarinta xuriyadda hadalka iyo hal-abuurka, laakin waxaa muuqato in wasaaradda warfaafinta ay mar kale afduubtey, arrintana ay tahay jug jug meeshaada jooga!
Haddaba, akhris iyo falanqeyn dheer kadib, waxaan halkan ku soo gudbin-doonnaa sababo ay tahay in baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal aanu ku ansixin sharciga saxaafadda, lana soo bilaabo tashiga iyo sixitaankiisa!
(1). Su’aalo Ka Taagan Madax-bannaannida Guddiga Warfaafinta Soomaaliyeed: Guddigan waxaa soo-jeedinaya wasiirka warfaafinta, waxaa ansixinaya golaha wasiirrada kadibna madaxweynaha ayaa saxiixaya si faafinta rasmiga loogu soo saaro. Dunida xorta ah kama jirto wasaarad warfaafin, kuwa ay ka jirtana sidaas lama sameeyo.
(2). Intaas kuma koobna ee waxaa xeerkan ku qoran in wasiirka warfaafinta uu awood u leeyahay: (1).La socodka shaqada guddiga, (2). Warbixin ka dhageystaa iyo jiheeyaa guddiga, (3). Dhageystaa waxna ka qabta cabashooyinka guddiga, (4). Codsan karaa kulan, (5). Warbixin ayuu wasiirrada ka siinayaa waxqabadka guddiga, (6). Soo-jeedin karaa wax ka bedel, (7). Qaadi karaa tallaabooyin kale oo ay ku jirto danta qaranka.
Haddaba intaas oo awood uu leeyahay wasiirka warfaafinta, sidee guddiga qaran ee warbaahinta ku madaxbannaan karaa iyada oo weliba wasiirka sida uu rabo ka yeelan karo!
(3). Isla sharcigan, waxaa ku qoran: weriye iyo hey’ad warbaahineed lama xiri karo, lamana xanibi karo shaqadeeda, haddii ayan fal-dambiyeed gacanta kula jirin. Ma Cadda halkaasi waxa loo yaqaano fal-dambiyeed.
(4). Arrinta kale oo muran badan dhalin karta waa in la sheegayo in weriyaha ama hey’adda warbaahineed maxkamad loo gudbin karo haddii laga been abuuro muwaadin, hey’ad ama dowladda. Halkan kuma cadda waxa ay tahay been-abuur.
(5). Diiwaan-gelinta cusub ee hey’ado horay u jiray in lacag cusub oo diiwaan-gelin ah laga qaado iyo dabaaji waa ganacsi.
(6). Guddiga warbaahinta Soomaaliyeed waxaa la sheegayaa inuu ka koobanyahay 9 xubin, oo ah xeel-dheerayaal, 2 xubin oo laga soo magacaabay heer qaran, 7 xubin oo hal xubin dowlad goboleedka soo magacaabayo iyo gobolka Banaadir. Halkan laguma xusin shuruudaha qofka la rabo, khibradiisa iyo waxa uu horay u soo ahaa.
(7). Siyaasadeyn iyo Loolan ayaa ka muuqdo, waayo xubnaha guddiga halkii la rabay in cid kasta u tartanto, lagu xusho aqoon iyo khibrad ayaa la leeyahay waxaa keensaya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, taasi oo dhalin karta qas iyo in la marin habaabiyo ujeedada guddiga, lana siyaasadeeyo.
Dalka Kenya tusaale ahaan xulista golahan oo kale waxaa dhacda in golaha wasiirrada ay u magacaabaan 13 xubin oo ka socota hey’adaha warbaahinta iyo jaamacadaha dhiga warfaafinta, 9-ka xubin ee golaha shuuradaha lagu xiro waxaa ka mid ah in guddoomiyaha uu heysto 10 sano khibrad ah halka xubinta laga rabo 7 sano, waxaa kale oo mamnuuc ah inuu siyaasad ku jiray 7-badii sano ee ugu dambeysay, inta badan dadka la xulayo waa iney ahaadaan dadka ku jira warfaafinta iyo sharciga.
(8). Warbaahinta gaarka loo leeyahay waxaa muuqato in marka laga soo tago lacagta diiwaan-gelinta iyo canshuur shati oo sanadkii mar ah, waxaa caqabado ka jiraan ruqsadda oo aan si fiican loo faahfaahin.
(9). Waxaa ku qoran in haddii warbaahintu aragto in qarinta il-wareedka ay u wanaagsan tahay ammaanka xogbixiyaha iyo tan qaranka waa sii deyn karaan warkaas, iyada oo intaas lagu daray iney keydiyaan xog-bixiyaha iyo xogta si ay u soo bandhigaan haddii maxkamad amarto. Halkan kuma xusna haddii xog-bixiyaha aanu kalsooni ku qabin garsoorka goobtaasi jooga.
Ugu dambeyntii, Sharcigan saxaafadda waa mid lagu caburinayo ra’yiga, kana hor imaanaya dastuurka KMG ah, waxaan la gudboon baarlamaanka federaalka ah(golaha shacabka iyo aqalka sare), iney u hiiliyaan xuriyadda hadalka, fikirka iyo hal-abuurka, kana bixiyaan saxaafadda Soomaaliyeed gacanta wasiirka warfaafinta.
Goobjoog News