Gefka Itoobiya Ee Khariidadda Kadib, Akhriso: Loolanka Taariikhiga Ah Ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Arrinta shalay soo baxday ee ah in Itoobiyaanka ay khariidada Afrika ka saaraan Soomaaliya, kuna daraan dhulkooda waxaa ay adkeyneysaa shaki hore oo jiray, damaca xabashida iyo heerka uu loolanka gaaray. Arrintan waxaa ay na tuseysaa in aan la aamini Karin xabashida, loona baahanyahay feejignaan dheeraad ah marka lala dhaqmayo hey’adahooda rasmiga ah iyo ama xataa shakhsiyaad caadi ah.
In kasta oo ay raali-gelin ka bixiyeen Itoobiyaanka, hadana in bogga rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda oo ah meesha lagu kariyo siyaasadda arrimaha dibadda dalkaasi laga dhex helo khariidad noocaas waa halis, waxaana ka badan inta qarsoon.
In Soomaaliya aaney illaa iyo hadda xad rasmi ah la laheyn Itoobiya iyo Kenya, waxaa ay daliil cad u u tahay loolankaas soo jireenka ah, Soomaali galbeed, NFD, Djibouti waxaa ay ka mid yihiin dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha Yurub, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Waxaa Berlin lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyay Shan: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo weli ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djibouti qeyb ahaan loo siiyay dalka Faransiiska.
Salka Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya:
- Soomaaliya waa dalka keliya ee ku yaalo bariga Afrika ee dadkiisu ilaahay mahadiis Muslimiin yihiin 100% halka Itoobiya ay waligeed aheyd hoyga ugu weyn masiixiyadda bariga iyo geeska Afrika, arintan waa loolan soo jiray 14 qarni, waxaa uu sii jiri doonaa illaa qiyaamaha!
- Soomaaliya waa dalka kaliya ee ku yaalo qaaradda Afrika ama ama xitaa Caalamkaba oo dadkiisa ay gumeystayaasha u qeybiyeen ilaa 5 qeybood, iyadoo la og yahay in Soomaalida ay isku af, dhaqan iyo diin tahay, arintan waa dhibaato kale!
- Itoobiya waa dal weyn oo aan laheyn bad iyo dekad ay wax kasoo degsato, waxaa jiro damac ah in ay hesho Dekad quudisa dadkeeda, in ay dekadda Berbera xabishidu share ku lahaadaan waa miraha cadaadiskeeda!!
Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid lagu dhigo Jaamacadaha Caalamka, ku qoran xeerarka caalamiga ah sida Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika iyo xitaa kan Jaamacadda Carabta.
Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Dagaaladii Dhex Maray Dalkeena iyo Xabashida
Dagaalkii Koobaad: Qarnigii 16-naad Xabashi waa u xasuus madoow, Qarnigaas waxaa noolaa Imaamka Soomaaiyeed ee Axmed Guray, waxaa uu dagaal ku qaaday xabashida oo dhulkoodii qabsaday, waxaa uu Imaam Axmed Guray ka talin jiray dhulka maanta loo yaqaano Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Djibouti, Eritrea, Suudaan iyo qeyb ka mid ah Masar.
Boqorkii Xabashida, waxaa uu dagaal la galay Imaam Axmed Guray, Boqortooyada xabashida waa la jabiyay, Kaniisadihii Masiixiyadda ee xiligaas la burburiyay illaa markii dambe bartamihii qarnigii tagay uu dhisay Xeyla Salaase, Boqorka Xabashida Lebna Denqal waxaa uu dhintay 1540, Xitaa waxaa la sheegaa in Xabashida ay hilib Ceyriin ah cuneen!!
Maamulka Imaam Axmed Guray waxaa uu gaaray ilaa Nuba(koofurta Masar), intaa kadib Cadawga burtuqiiska ayaa sida gaalada lagu yaqaano usoo hiilay xabashida.
Imaam Axmed Guray mid ka mid dagaaladaas Borqtuqiiska uu la galay ayuu ku dhaawacmay, isla dhawacaas dartii ayuu markii dambe u shahiiday.
Dagaalkii Labaad: Xabashida waxaa ay dagaal la gashay Sayidka iyo Ciidankii Darwiishta intii u dhaxeysay 1900-1920-kii, Laakin ciidanka Sayid dhibka Xabashida waxaa ugu darnaa kan Ingiriiska, oo waxaa ay aad ugu mashquuleen dagaalka Ingiriiska, Waxaa la sheegaa in Sayid iyo Ciidankiisa ay dagaal ku tageen ilaa Jigjiga, guulo badan ay kasoo hooyeen Itoobiya.
Markii Dhulka La siiyay 1954-tii:
Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu Gumeytaha Ingiriisku siiyay dhul Soomaaliyeed 1654-tii: Waa gobol balaaran oo badhkiisu ka badan 25002, Waxaa uu ka koobanyahay Gobolo iyo magaalooyin caan ah sida: Jigjiga, Dhagaxbuur, Godey, Qabridahare, Shilaabo, Wardheer, Awbarre iyo Raso.
Markii ay Soomaaliya xuriyaddii qaatay 1960-kii, waxaa ay ku dhaqaaqday dhismaha ciidanka qaranka si dhulalka ay heystaan Itoobiya iyo Kenya loo xureyn lahaa.
Dagaalkii Sedexaad: Bishii February 1964, waxaa uu dagaal dhex maray Ciidamada geesiyaasha dalkeena iyo cadawga Itoobiya, dagaalkaas waxaa uu socday ilaa April, Labada cadaw ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa ay ku heshiiyeen in Soomaaliya ay iska dhiciyaan.
Dagaalkan waxaa uu ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya sida Doolow ilaa Feerfeer, dagaal weyn ma aheyn, Ciidanka Qaranka waxaa uu jiray afar sano oo keliya halka Cadawga la dhihi jiray “Libaaxyada Afrika”, laakin dagaalkaas Ciidamada Qalabka sida waxaa ay muujiyeen geesinimo iyo Soomaaliya ay soo jeesatay, Xabashida iyo Hogaamiyashoodii waxaa galay cabsi.
Dagaalkii Afaraad: Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii ay Soomaaliya la gashay Xabashida ayaa madax noqday 1969-kii, Jaalle Siyaad waxaa uu xoogiisa koobaad, Labaad iyo Sedexaad saaray dhismaha ciidanka qaran oo xoog leh, Sanado yar kadib, Soomaaliya waxaa ay noqotay Ciidanka ugu awoodda badan Afrika halka xabashida ay daciiftay waayo waxaa ka dhacay Inqilaab, February 1974 waa la afgambiyay Boqorkii boqoradda Itoobiya Haile Selassie, waxaa markii dambe dalkaa Madaxweyne ka noqday 3 February 1977 Mengistu Haile Mariam.
Ciidankeena qalabka sida waxaa ay faa’ideysteen isbadallada ku imaanaya cadawga iyaga oo qaaday weerar iyo olole loogu magac daray”Xoreyntii Soomaali Galbeed”, Jigjiga waxaa ay soo gashay gacanta xoogagga Soomaaliya 2 September 1977, xiligaas waxaa dalkeena Wasiirka difaaca ahaa Maxamed Cali Samatar, waxaa kaloo dagaalka hogaaminayey rag cadawga xiligaas ka cabsan jiray sida Maxamed Cumar Jees, General Galaal, Col. Maxamud Ciro iyo hogaamiyaal kale, Geesiyaasha qalabka sida waxaa ay si fudud ku qansadeen Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, Soomaaliya oo dhan waxaa ay u midoobeen cadawga iyo jabkiisa, waxaa dalka ka socday damaashaad iyo Midnimo.
Markii dambe sida lagu yaqaano reer Galbeedka, horayna aan ugu soo aragnay in markii Imaam Axmed Guray dhulka Xabashida la wareegay in Burtuqiis la saftay xabashida, isla markaana dileen hogaamiyahaas, sidaa oo kale ayaa mar kale dhacday.
January 22, 1978-dii, Ciidamo ka socday Midowga Soviet iyo Cuba ayaa u soo hiiliyay Xabashida taas oo keentay in geeshiyaashii Soomaaliya uu cadawga ku sameeyo dhabar jabin iyo dhagar halkaas waxaa kusoo jabay Ciidankeena qalabka sida. Bishii March 1978dii.
1991-dii: Markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye waa la iska iloobay loolankii Soomaaliya iyo Itoobiya, Itoobiya waxaa dalkeeda ka dhacay shirar badan oo lagu heshiisiinayo hogaamiye kooxeedkii dalka sida 8 January 1993 Madaxda 14 ka tirsan ururada iyo Kooxaha Soomaaliya oo heshiis ku saxiixday Adis Ababa iyo shirar kale sida Shirkii NSC-Sodare, Adis Ababa 25, June 1997-dii.
Itoobiya hadda waxaa ay ka mid tahay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaa dalkeenna jooga 4 kun oo qeyb ka ah AMISOM iyo 10 Kun oo sharci darro ah, dadka reer Muqdishu waxaa ay aad u xasuustaan imaashiyhii Itoobiya ee koofurta dalka iyagoo xiligaas la sheegay in ay taageerayeen Dowladdi Cabdullahi Yusuf.
Itoobiya: Waxaaa u dhaqaaqday dhanka Soomaaliya, iyagoo qabsaday magaalooyin badan sida Beledweyn, Jowhar, Buurhakaba, Deynuunay, ilaa ay Muqdishu gacantoodu gasho December 28, 2006-dii, laakin iska caabin dagaalo lagu hoobtgay kadib waxaa ay dalka ka baxday January 5, 2009-kii.
Xiriirka Itoobiya iyo Maamul Goboleedyada:
Somaliland waa maamulkii ugu horeeyay ee xiriir fiican la yeesha dalka Itoobiya, hadda waxaa ay mareysaa in Adis Ababa ay share ku leedahay dekadda Berbera, waxaa sidoo kale xusid mudan in Itoobiya ay xiriir soke la leedahay dhammaan 5 maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya, xiriir amni ayaa ugu mihiimsan, waxaa madaxdooda si joogta ah looga wacaa gudaha Soomaaliya.
Goobjoog News