U bood dhigaalka

Akhriso: Waxa ay Ka Wada Hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wakiilka Midowga Afrika

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare BFS ayaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira Iyagoo ka wada hadlay arimaha Amissom iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka oo saacado qaatay markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa ugu horayn saxaafada la hadlay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira waxa uu Sheegay in kulanka ay gudoonka yeesheen uu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay arimaha Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika.

Habdhooraha golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya Sen, C,kaafi macalin xasan ayaa sheegay in kulanka arimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanayd mudo kordhinta Amissom iyo arimaha Doorashooyinka.

Golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya iyo Midowga Afrika  Soomaaliya ayaa waxaa ka Dhaxeeya wada shaqayn iyagoo mar marka qaar ay yeeshaan kulamo ay uga hadlayaan amaanka Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika.

Goobjoog News