U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golasha Shacabka Oo Gaaray Xuddur

Sheeko:Dalka

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha , ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan.

Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed.

Goobjoog News