Odowaa Oo Isu Sharaxay Madaxtinnimada Galmudug
Sheeko:Dalka
Xaflad weyn oo galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxuu Cabdiraxmaan Odowaa ku iclaamiyey murashaxnimadiisa madaxtinnimada Galmudug.
Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, siyaasiyiin, dhalinyaro, odeyaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiye Abshir Axmed oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa taageero u miijiyey Odowaa isaga oo intaa raaciyey inuu yahay nin umadda isu keeni kara, isla markaana bogsiin kara, ka shaqeyn kara danta umadeed oo mid ah, loona baahan yahay in la garab istaago.
Dhankiisa Cabdiraxmaan Odowaa oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, waxaa uu Sidoo kale balanqaaday inuu barnaamijkiisa soo gudbin doono maalmaha soo socda, waxuuna uga digay dowladda iney iskudeydo xoog iyo jajuubka rabitaanka reer Galmudug.
Gobjoog News