Finland oo Dowladda Federaalka ah ugu Deeqday EUR 13 million
Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Finland ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu deeqday ilaa EUR 8.1 million ($8.9 million) iyada oo u soo marineysa sanduuqa MPF ee bangiga adduunka.
Lacagtan ayaa loogu talo galay in lagu taageero hey’adaha dowladda sida dib u dhiska iyo horumarinta, waxaa kale oo jirtay EUR 4 million ($4.4 million), oo ay horay u bixisay dalkan Finland
“Waxaan ku faraxsnahay horumarka laga gaaray dhismaha hey’adaha iyo dib u habeyntooda tan 2012-kii” sidaasi waxaa yiri Ambassador Erik Lundberg oo ah wasiirka arrimaha dibadda.
Goobjoog News