Dowladda Federaalka Ah oo Guddi u Saartay Fatahaadda Baladweyn
Dowladda federaalka ah ayaa maanta guddi gurmad ah u saartay fatahaadaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalaka Hiiraan, halkaas oo Wabiga Shabeelle uu ka geystay fatahaado saameeyay inta badan ee magaalada.
Guddigaan oo ka kooban 9 xubnoon ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay is kugu yimaadeen wasiirada xukuumadda federaalka, waxaana guddiigaan guddoomiye u ah wasiirka gargaarka xukuumadda federaalka Xamse Siciid.
Guddigaan ayaa waxaa ku jira dhowr wasiir oo ka tirsan Xukuumadda federaalka ah, waxaana la filaayaa in ay gaaraan dhawaan Baladweyne si ay u soo qiimeeyaan xaalada fatahaadda ee uu geystay Wabiga Shabeelle.
Waxaana kamid xubna la magacaabay.
1-Fowsiyo Abiikar Nuur,, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya
2-Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, Wasiirka Amniga
3-Fowsiyo Maxamed Sheekh, Wasiirka korontada iyo biyaha
4-Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha
5-Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada
6-Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya
7-Maxamed Cabdi xayir Maareye, Wasiirka Warfaafinta
8-Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddiga
9-Xamze Siciid Xamze
Goobjoog News