U bood dhigaalka

Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta ee JF ee Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Warbaahintu waa isha ugu muhiimsan ee dadku ka ogaadaan dhacdooyinka hareerahooda iyo dunida inteeda kale, xiriir soke ayaa ka dhaxeeya saddex geesoodka (1). Weriyaha (2). Warka (3) Dhageystaha. Waa meel dadka waxbarto, hagto, saameynna ku leh go’aan gaaristooda nolasha, loona adeegsan karo horumar iyo dib u dhac intaba.

Sidaasi darteed, dalalka caalamka waxaa ay leeyihiin siyaasad warfaafineed oo la jaan-qaadda maslaxadda guud ee qaranka ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulsho iyo mid amni iyada oo weriyaha lala wadaago xaaladda dhabta ah laakin dalkeenna waa jaantaa rogan. Iyada oo aanan gorgortan laga galeyn xuriyadda warbaahinta ayaa hadana waxaa la la’yahay siyaasad cad uu dalku ka leeyahay arrimaha muhiimka ah sida dastuurka, nidaamka federaalka ah, doorashada, jinsiyadda, maalgeshiga iyo xiriirka dowliga ah.

Maanta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa loo yeeray  wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye, iyada oo su’aalo weydiinnadii hore laga tusaale qaadanayo lama oga sida uu runta u sheegi doono ama u fulin doonno waxa laga hadlo, waayo inta badan wasiirrada su’aalaha la weydiiyo si hufan uguma jawaabaan, xildhibaanka haddii uu jawaabta wasiirka ku qanci waayo kuma soo noqdo, laguma sameeyo qiimeyn, warbixinta gunaanad ah dadka lamama wadaago, mana dhacdabab in wasiir hadalkiisa lagu qanci waayey oo la ceyriyey, sidaas darteed waa waqti lumis.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa arrimo badan oo ka qaldan wasaaradda warfaafinta taasi oo ay tahay in maanta ay xildhibaannada golaha shacabka weydiiyaan wasiir Maareeye, haddii uu wax ka qaban waayana ay isaga wax ka qabtaan.

Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta?

Wasaaradda warfaafinta waxaa ka shaqeeyo shaqaale ka badan baahida dalka iyo waxsoo-saarkeeda, dadka laguma shaqaaleeyo tayadooda iyo maxaa tagaan, waxaa ku baxdo miisaaniyad sanadle ah oo dhan $4,954,846, ma laha barnaamijyo tayo leh ama saameyn ku leh bulshada dhaxdeeda ah.

Tusalae ahaan: madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay mar weliba umadda u sheegaan in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, marka  halkii la dhisi lahaa waddaniyadda,  warbaahintooda waxaa ka muuqda xaalad degenaanshiyo, heeso dabacsan iyo warar buunbuunin ah sida hebel ayaa duulay iyo mid kale ayaa soo dagay, waxaa ku adeegta xukuumadda nabad iyo nolol, mana laha ajende qaran oo ay ku shaqeeyaan ama warbaahinta kale lala wadaago.

Warbaahinta qaranka, umadda Soomaaliyeed uma fasirto hindise sharciyeedyada la horkeenno baarlamaanka federaalka ah, heshiisyada la galo, uma shaqeeyaan khubaro iyo dad waxbartay, ma barto umadda xuquuqda iyo waajibaadka dastuuriga ah halka dunida kale la gaaray in ay warbaahinta kuu sheegto xataa jidka jaamka ah si aad shaqada dhaqso u tagto, ilaalinta deegaanka ama lagu barayo guud ahaan noloshada iyo la dhaqanka dadka.

Warbaahinta qaranka ma barto umadda qadiyadaha iyo masaalixda siyaasadeed, amni ama  dhaqaale ee qaranku leeyahay kuwaas oo u baahan taageero shacab, xataa waxaa ay ku guuldareysatay in madaxweynaha uu umadda la wadaago heshiisyada masiiriga ah ee uu la galo dalalka kale.

Marka laga reebo warar kooban, ma jiro barnaamijyo ku baxa afaf qalaad oo dunida lagu baro halka ay Soomaaliya u socoto,  looga hortago dacaayadaha ama dagaallada jiilka 4aad ee maskaxda la iska gumeysto

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ka codsaneynaa in la baabi’yo jiritaanka wasaaradda warfaafinta sida dunida dimoqoraadiga ee Mareykanka, Yurub iyo meelo kale ka dhacday, haddii ay sii jirtana la yareeyo awoodda ay ku leedahay saxaafadda madaxabannaan ee qabata shaqada ay gabeen ee la xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda.

Xilligan la joogo, warbaahinta qaranka waxaa ay u shaqeysaa sida kuwa gaar ah, lama arko barnaamijyo haga umadda,  ajende gaar ah kama laha xoojinta midnimada sida barnaamijyo u gaar ah Somaliland, horumarinta federaalka, ciidanka iyo taariikhda dhulka iyo dadka.

Su’aalo Muhiim Ah In La Weydiiyo Maareeye:

1. TV Qaranka, ma sii daayo fariimo aan aheyn kuwa Farmaajo iyo Kheyre, sabab?

2. Weli waa warbaabihin isticmaasha hannaankii  wacyigelintii iyo hanuuninta kacaanka?

3. Warbaahinta maxay u qaban la’dahay doodo lagu saxayo nidaamka federaalka ah iyo dowladda?

4. Dowladda Isla Xisaabtanka, Maxaa loo waayey hal barnaamij oo isla xisaabtan ah oo ka baxa warbaahinteeda?

5. Mar haddii ay tahay warbaahin qaran, maxay si simman ugu tabin la’dahay wararka muxaafidka iyo mucaaridka?

6. Maxaa diiday inuu Is hoos keeno wasiirka sharciga saxaafadda iyo golaha qaran ee saxafiyiinta?

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News