Dhakhaatiir Digfeer Ka Tirsan Oo Laga Helay Coronavirus
Sheeko:Dalka

Bahda caafimaadka iyo dhakhaatiir ku hawlanaa daaweynta iyo kalkaalinta bukaanka ayaa ka mid ah dadka uu haleenay cudurka Coronavirus.
Ilo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah dhakhaatiirka Digfeer laga helay cudurka, kuwaas oo hadda la karantiiley, lana tacaalayo.
Sida ay jimcihii sheegtay wasaaradda caafimaadka 9 qof oo bukaan oo oo baaris lagu sameeyey waxaa Covid 19 laga helay 9 qof.
Dadkaas laga helay waxaa ku jira wasiir ka tirsan Hirshabeelle iyo 7 sarkaal caafimaadka ka shaqeeya, 2 wasaaradda caafimaadka ah iyo 5 ka shaqeeya isbitaalada.
Goobjoog News