U bood dhigaalka

Dhakhaatiir Digfeer Ka Tirsan Oo Laga Helay Coronavirus

Abriil 11, 2020

Bahda caafimaadka iyo dhakhaatiir ku hawlanaa daaweynta iyo kalkaalinta bukaanka ayaa ka mid ah dadka uu haleenay cudurka Coronavirus.

Ilo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah dhakhaatiirka Digfeer laga helay cudurka, kuwaas oo hadda la karantiiley, lana tacaalayo.

Sida ay jimcihii sheegtay wasaaradda caafimaadka 9 qof oo bukaan oo oo baaris lagu sameeyey waxaa Covid 19 laga helay 9 qof.

Dadkaas laga helay waxaa ku jira wasiir ka tirsan Hirshabeelle iyo 7 sarkaal caafimaadka ka shaqeeya, 2 wasaaradda caafimaadka ah iyo 5 ka shaqeeya isbitaalada.

Goobjoog News