U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Abriil 25, 2020

Wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa waxa ay shaacisay kiisas cusub oo hor leh islamarkaana la xiriira caabuqa Coronavirus oo dalkaasi uu si darran u saameeyay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa xaqiijisay kiisas 9 ah oo la xiriira COVID-19 in ay diiwaan galiyeen waxaana sii kordhaysa tirade dadka uu soo ridanayo xannuunkaan ee gudaha dalkaasi.

Dalalka dhaca geeska Afrika ayaa waxaa kaalinta 1-aad uga jirta dowladda Jabuuti marka laga hadlayo tirade guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus.

Tirada guud ee la xaqiijiyay inay qabaan cudurka COVID-19 ee dalka jabuuti ayaa cagacageynaysa 1,008 kiis.

Goobjoog News