U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Qaran oo Sheegtay inuu Sharci Darro Yahay Bandowga Saaran Caasimadda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran oo uu hoggaamiyo ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga saaran magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo rogtay dowladda federaalka uu yahay mid sharci darro ah soona marin habraaca saxda ah ee ku qeexan dastuurka ku meel gaarka ah.

“Madashu waxay caddeynaysaa bandowgaan la soo rogay uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan datuurka JFS qodobka 131-aad sidaa darted uu yahay sharci darro” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya madasha xisbiyada qaran.

Dhanka kale madasha ayaa ka tacsiyadeysay dadkii lagu dilay degmada Boondheere, waxa ayna ku baaqday in ciddii falkaasi ka dambeysay oo isugu jirta saraakiil iyo askar sharciga la hor keeno.

Ugu damebeyn madasha ayaa dowladda Farmaajo ugu baaqday inay ilaaliso mabaadii’da caalamiga ah ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka u yaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa bandow dhowr jeer wax laga badalay ku soo rogtay caasimadda Muqdisho iyada oo haatan lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan dadka ayaana bandowgaan walaac ka muujinaya.

Halkaan ka akriso warka ay soo saartay madasha

Image may contain: text

Goobjoog News