U bood dhigaalka

Mooshinno iska Soo Hor Jeeda oo Laga Kala Gudbiyay Madaxweyne Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre kaasi oo sababay in la iska gudbiyo mooshinno iska soo horjeeda.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa tilmaamay inuu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre islamarkaana ay saxiixeen 63 xildhibaan.

Dhankiisa Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in mooshin kal sooni kala noqosho ah xildhibaano gaaraya 54 mudane ay ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Hirshabeelle ay fashilantay islamarkaana fashilkaasi uu ka dambeeyay madaxweyne Waare waxa uuna madaxda Hirshabeelle ku eedeeyay inay sameeyeen ku takrifal awoodeed.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Hirshabeelle ayaa ahaa mid waqti dheer soo jiitamayay iyada oo uu khilaafku sii xoogeystay 21-kii bishaan ka dib markii madaxweyne Waare uu sheegay inuu shaqadii ka joojiyay guddoomiyaha racfaanka maxkamadda gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur.

Isla maalinkaas warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre  ayaa lagu qaadacay shaqa joojinta madaxweyne waare uu ku sameeyay guddoomiye Cali Cabdulle Nuur waxaana warqadaasi lagu sheegay in hey’adaha garsoorka ay ka madax bannaan yihiin kuwa fulinta islamarkaasina ay dikareetadaasi tahay mid sharci darro ah.

Hirshabeelle ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay maamullada aan hiigsan wax hormar ah maadaama mar waliba ay isku dhaganyihiin madaxda sare ee maamulkaasi waxaana siyaasiyiinta halkaasi ka soo jeedda ay sheegayaan in Hirshabelle ay si toos ah u fashilantay.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka qasan ee Hirshabeelle xilli wasiir ka tirsan maamulkaasi uu u geeriyooday xanuunka COVID-19 magaalada Jowharna cabsi xanuunkaasi ku aaddan laga dareemayo.

Goobjoog News