U bood dhigaalka

Human Rights Watch oo Soo Bandhigtay Tacadiyada Ka Dhan Ah Saxaafadda Soomaaliya, Kana Dalbatay Dowladda iney Ogolaato Dhaliisha

Sheeko:Dalka

Human Rights Watch oo maanta qoraal ka soo saartay saxaafadda Soomaaliya iyo heerka Xuriyadda Saxaafadda Adduunka  ee May 3 ayaa sheegeysa in Soomaaliya ay sii laba jibaartay hanjabaaddda ka dhanka ah saxafiyiinta iyada oo tan iyo bartimihii April la xiray 3 weriye halka shaqada laga joojiyey idaacad maxali ah, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday iney soo afjarto xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta.

Dowladda Soomaaliya waa iney joojisaa xarigga iyo dhibaateynta saxafiyiinta waqtiga ay muhiim tahay helidda wararka”, sidaa waxaa tiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha seeska Afrika ee hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch iyada oo intaasi raacisay “Saxaafad madax banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka ayaa fure u ah in la hubiyo in Soomaalidu ay heystaan ​​macluumaad ay ku gaarayaan go’aanno xog-ogaal ah inta lagu jiro cudurkan safmarka ah.”

 April 20, waxaa Baydhabo lagu xiray weriyaha Voice of America (VOA) ee Mukhtaar Maxamed Catoosh, labo habeen marka uu xirnaa ayaa la sii daayey April 22.  Qoraal maxkamad ka soo baxay ayaa lagu sheegay in lagu heyso inuu baahiyey warar been abuur ah, ka badbadin ah iyo inuu digniin been ah siiyey maamulka.

Mukhtar waxaa uu u sheegay Human Rights Watch in wax laga weydiiyey war ku saabsan war uu VOA ka baahiyey  April 19 oo la xiriiray gabdho 3 ahaa oo lagu kufsaday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhaba taas oo keentay in mid ka mid ah ay dhaawaca dartii u dhimatay.

 April 14, Booliiska degmada Hodan ayaa amar xarig waxaa ay xabsiga ku dhigeen tifaftiraha guud ahna agaasime ku-xigeenka warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Goobjoog Media Group Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, arrintan ayaa daba socotay qoraal bartiisa facebooga ah uu ku dhaleeceeyey sida dowladda Soomaaliya uga jawaabtay dhibaatada Covid-19, mid ka mid ah qoraalladaas waxaa uu ku sheegay mashiinka neefta(ventilator) ee uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo ahaa deeq uu isbitaalka helay.

April 15, dacwo oogeyaasha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Cabdi Caziz lagu heysto eedeymo la xiriira “Inuu meel uga dhacay sharafta iyo heybadda madaxweynaha”, “Faafinta warar been ah” iyo qaar kale oo haddii lagu helo ay gaareyso xabsi 3 sano ah. Garsooraha ayaa amray in Cabdi Caziz loo gudbiyo xabsiga dhexe, oo lagu sii hayo inta barista socoto. Waxaase damaannad lagu soo daayey April 18.

April 2, NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter ku sheegtay iney baareyso in weriyaha caanka ah ee VOA ahna qoraaga bug laga qoray Al-shabaab ee Haaruun Macruuf uu khatar ku yahay amniga qaranka iyo arrimo ka baxsan anshaxa saxaafadda. April ayey hadana qortay iney gal dacwo hordhigtay xeer ilaaliyaha qaranka.

Sida ay sheegeen hey’adaha u dooda saxaafadda, dowladda ayaa xirtay weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja March 7, markii ay weriyeyaasha dibad baxeen ayey wasaaradda warfaafinta sheegtay inuu u xiran yahay hey’adaha amniga, loona heyso dil iyo inuu xubin ka yahay Al-shabaab.

Human Rights Watch oo qoraal u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha iyada oo wax ka weydiisay barista kiisaska loo heysto Abdiaziz, Harun, iyo Maxamed ayaan helin wax jawaab ah.

April 24, Booliiska ayaa waqti yar xiray Farxaan Maxamed Xuseen oo ka tirsan Radio Kulmiye isaga oo duubayey dibad-bax looga soo horjeeday booliiska oo dilay 2 ruux xilliga bandowga. Farxaan Xussein, waxaa la qabtay isaga oo la kulmay dibadbaxa, waxaa la geeyey saldhigga Boondheere waxaana laga tirtiray sawiradii iyo codadkii uu duubay, waana la sii daayey.

April 20, magaalo xeebeedka Baraawe, guddoomiyaha degmada Cumar Sheekh Cabdi ayaa mar ku bixiyey in laga joojiyo idaacadda Baraawe iney bahiyaan lahjadda Barawaaniga.

Xeerka ciqaabka Soomaaliya oo waqtigiisu dhacay waxaa la hirgeliyey 1964-tii waxaana ku jira dambiyo hummaag ku jiro oo tiro badan oo ay ka mid yihiin sumcad dilid,  ku xadgudubka karaamada iyo sharafta madaxweynaha, cayda sarkaal dowladeed ama hay’ad  iyo quudhsi ka dhan ah qaranka, gobolka, ama calanka, dhammaan waxaas lama jaanqaadi karaan xeerka dalka, gobolka iyo dunida ee xuquuqda aadanaha.

Booliiska ayaa sidoo kale xiray 3 maalin May 2019 weriye Cali Aaadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog isaga oo lagu eedeeyey inuu caayey sarkaal dowladeed qoraal uu ka sameeyey NISA, kadib dalka ayuu isaga cararay.

Human Rights Watch qoraalkeeda  March 2020, waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay iney damaanad qaado xuriyadda hadalka xilliga Covid 19,  oo ay ku jiraan helidda xogta iyo baahinta, xakameyn kastana waa sharci darro, waana in la helaa warar sax ah oo waqtiga la socda si shacabka ula socdaan arrimaha caafimaadka.

Human Rights Watch waxaa ay leedahay, dowladda Soomaaliya waa iney ogolaataa iney shacabka siiso xogta, ogolaataa in ay cabiraan aragtidooda oo ay ku jirto in lagu dhaliilo jawaabaha ay xukuumadda ka bixiso Covid-19.

Goobjoog News