Soomaaliland oo Xaqiijisay Kiisas Cusub oo COVID-19 Ah
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaannadooda halka sidoo kale ay korortay tirade dadka u geeriyoonaya xanuunkaan.
Agaasimaha wasaaraddaasi Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 11 qof ooh or leh laga helay safmarka COVID-19 waxa uuna intaas ku daray in hal qof oo ka mid ah uu xanuunka u geeriyooday.
Tirada guud ee haatan laga xaqiijiyay deegaannada Soomaaliland ee Coronavirus ayaa ah 34 kiis halka 4 qof ay xanuunka u geeriyoodeen waxaana sida ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay cudurka ka bogsaday 3 qof.
Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan uu ku dhacay 928 halka ay u geeriyoodeen 44 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka.
Goobjoog News