U bood dhigaalka

Muqdisho: Safiirkii Jaamacadda Carabta oo Muqdisho Ku Geeriyooday, Abu Geyth oo Ka Hadlay

Maajo 24, 2020

Waxaa galabtii sabtida magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii ururka jaamacadda carabta ee Soomaaliya Xamuud Bin Samraan Al-xuweydi.

Xogheyaha guud ee jaamacadda carabta Axmed Abuu Geyth ayaa ka tacsiyeeyey isaga oo tacsi u diray ehelka iyo diblomaasiyadda Sacuudiga, una rajeeyey inuu eebe u naxariisto.

Abuu Geyth waxaa uu intaas ku daray inuu sharaf u ahaa diblomaasiyadda carabta, waxaa uuna Soomaaliya ka shaqeynayey tan iyo markii la magacaabay 2016-kii.

Goobjoog News