U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Karaash oo La Heshiisiiyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta lagu heshiisiiyay madaxtooyada maamulkaas ee Garowe ka dib kulan saacado qaatay oo halkaasi ka dhacay.

Kulanka lagu heshiisiiyay madaxda ugu sareysa Puntland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isimada maamulkaasi waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil waxaana kulanka ka dib qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas lagu sheegay in la dhameeyay khilaafaadkii madaxda Puntland u dhaxeeyay.

Horey waxaa u jirtay in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kadib markii la isku qabtay arrimo la xiriira maamulka madaxtooyada waxaana khilaafka labadaasi masuul  uu gaaray heer warbaahinta hadallo xanaf leh la isku mariyo.

Halkan ka akhriso qoraalka madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland.

Goobjoog News