Cabdikariin Guuleed oo Dalbaday in Doorashada Dalka Ay Noqoto Mid Heshiis Lagu Wadayahay
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay doorashooyinka dalka ku soo wajahan ayaa waxa uu dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wadayhay islamarkaana waxa uu ku baaqay in arrinkaasi la xaqiijiyo.
Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa dowladda Farmaajo waxa uu ka dalbaday inay diyaariyaan dhammaan shuruudaha looga baahanyahay doorashooyinka isaga oo intaas raaciyay inay muhiim tahay inay xasilooni siyaasadeed wada gaaraan dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda dhexe iyo xisbiyada.
Dhanka kale Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in hadalkii Farmaajo shalay uu ka jeediyay furritanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaliya ee ku aaddanaa doorashooyinka qaranka uu noqdo mid laga dhabeeyo islamarkaana abuura niyad wanaag.
Cabdikariin Guuleed oo sameystay xisbi siyaasadeed ayaa doonaya inaysan madaxda dalka sameysan wax muddo kororsi ah oo dowladda hadda jirto looga cabsi qabao inay waqti ku darsato muddo xilheynteeda, xisbiyada dalka ka jira ayaana ka dhursugaya tallaabada ay qaadi doonaan dowladda Farmaajo oo wax ka yar 8 bilood ay u harsanyihiin.
Guddiga doorashooyinka ayaan wali shaaca ka qaadin nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonta iyada oo guddigaanna ay baarlamaanka dalka hor imaan doonaan 27-ka bishan waxaana lawada sugayaa waxa ay markaasi sheegi doonaan.
Goobjoog News