U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyada DF oo Lagu eedeeyay inay Ku fashilantay Qaadista Canshuuraha Dalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka Diini Maxamed Diini ayaa waxa uu dowladda federaalka ah gaar ahaan wasaaradeeda maaliyadda ku eedeeyay inay ku fashilantay inay dalka oo dhan si siman canshuurta uga qaado xilli wasaaraddu ay kaliya dalka ka canshuurto Muqdisho.

Diini Maxamed Diini oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inay nasiib darro weyn ku tahay wasaaradda maaliyadda dalka inay wali canshuurto Muqdisho isaga oo carabka ku adkeeyay inay ahayd in dowladdu ay dekadaha Boosaaso iyo Kismaayo Canshuurto xilli xiriirka ka dhaxeeya maamul goboleedyada qaar iyo dowladda federaalka ah uu yahay mid aan wanaagsanayn.

“Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku fashilantay iney si siman cashuur uga qaaddo dalka oo dhan, weli waxaa la joogaa in Muqdisho la canshuuro. Maamul goboleedka haddii siyaasiyan oo qancin lahaa waxaa suurtaggal noqon lahayn in dakhliga kasoo xarooda dakadda boosaaso iyo Kismaayo iney dowladdu hesho ama dowladdu ama iyadu xisaab ha celiso ama iyada haloo soo celiyo. Laakiin nidaamkii (fiscal federalism) in la dhammeystiro” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka.

Dhanka kale guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu faham qaldan ka haysto waxa loogu yeero xasilooni siyaasadeed isaga oo xusay in laga yaabo in madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha ay kun jeer is khilaafeen balse aan wax wara ah laga heyn waxa uuna xasiloonida uu sheego Farmaajo uu ku tilmaamay guddoomiye Diini inay tahay xasilooni darro siyaasadeed.

“Nasiib darrada jirta ayey ka mid tahay waxaa laga yabaa madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha inay kun jeer iskhilaafeen  laakiin aan hadda cidna ogeyn oo aysan bannaanka u soo bixin marka aniga sidan uma arko xasilooni ee waxaan u arkaa inay tahay xasilooni darro siyaasadeed” ayuu sii raaciyay hadlkiisa gudoomiye Diini.

Xiriirka aan wanaagsanayn ee ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ah culeyska ugu weyn ee ay wajahayaan madaxda ugu sareysa dalka oo xitaa keentay in shaki la geliyo sid ay dalka uga dhici karto doorasho lagu wada qanacsanyahay oo ay raali kawada yihiin maamul goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Halkan ka daawo wareysiga Diini Maxamed Diini

Goobjoog News