U bood dhigaalka

Sen. Qodax: Farmaajo  Malaha Taariikh wanaagsan oo ah Dhinaca Walaaleynta iyo isu soo Dhoweynta Dadka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Senator Mustafe Qodax oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa  qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kana hadlay wada hadallada madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in Farmaajo aanu laheyn taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Somaliyeed ah.

Senator Qodax waxaa uu yiri “Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

Dhanka kale, waxaa uu soo hadal qaaday waxa la gudboon Somaliland “Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo umadda Soomaaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan  social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada Somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

Ka sakow muddo xileedka dawlada Somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.

Wadahadal kasta oo Somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Senator Mustafe sheegay in aaney u muuqan fursad isaga oo yiri “Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato  wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal  ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

Goobjoog News