Amnesty International: Xilligan COVID-19, Barakacayaasha Ilaahey Ayaa u Maqan
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2018/05/barakac.jpg)
Qoraal cusub oo ay soo saartay Amnesty International ayaa looga hadlay xilligan uu jiro COVID-19 iyo xaaladda dadka barakacayaasha ah iyada oo sheegtay in laga deyrinayo, oo ilahey uun u maqan yahay.
Amnesty ayaa sheegeysa in Soomaaliya laga diiwaangeliyey ilaa 3,119 xaalad oo COVID-19 oo intooda badan laga helay Muqdisho, laakin waxaa ay ka deyrisay barakacayaasha.
Muqdisho waxaa ku nool 500,000 oo barakacayaal oo qaarkood xoog loo soo barakaciyey isla markaana xaalad khatar ah ku heysato gudaha Xamar sida la’aanta biyo nadiif ah iyo caafimaad darro.
Baaris ay hey’addan sameysay June iyo July waxaa ay ogaatay in dad badan oo ay la kulmeen aaney helin adeeg caafimaad halka barakacayaasha aan loo geyn qalabka lagu baaro COVID-19 .
Hey’adaha u gargaara barakacayaasha ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin in lacag la’aan iyo weliba in aan laheyn wax looga hortago saxmada iyo jidadka xiran.
Goobjoog News