Imtixaanka Shahaadiga oo Lasoo Gabagabeynayo
Sheeko:Dalka

Waxaa maanta la soo gaba-gabeynayaa imtixaanka shahaadiga ah ee form 4 ee ka socday guud ahaan dalka Soomaaliya.
Imtixaankan oo ay qaadeysay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ayaa la sheegayaa in laga galay dhammaan dowlad goboleedyada marka laga reebo Puntland.
Ardeyda u fariisatay waxaa tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 34,000 oo arday, tiradan ayaa waxaa sugaya jaamacado gaar loo leeyahay, oo lacag ah.
Goobjoog News