Sharci Ma Tahay Magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka Xilligan?
Waxaa muran sharciyadeed dhaliyay magacaabis ay sameeyeen Golaha Wasiirrada xukuumaddii ay Golaha Shacabka kalsoonida kala noqdeen.
Soo jeedinta Golaha Adeegga Garsoorka ee xukuumadda ayaa dhaliyay muran iyada oo sharci-yaqaanno, ururrada bulshada rayidka iyo siyaasiyiin ay ku tilmaameen sharci darro.
Isutagga bulshada rayidka Soomaaliyeed oo ka hadlay dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ayaa dalbaday in loo maro dhismaha golaha waddo waafaqsan sharciga waxaana lagu yiri warqad ay soo-saareen “ xukuumaddaan wuxuu Golaha Shacabku kalsoonida kala noqday 25 July, 2020, xukuumad dhacday oo xilgaarsiin ah waxay fulin kartaa shaqada maamul maalmeedka ah ee dowladda”.
Abuukaate Daahir Maxamed Cali -Daahir Carab Xoghayaha Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed oo ka hadlay soo jeedinta Golaha Wasiirrada ee guddiga madaxa bannaan ee Golaha Adeegga Garsoorka ayaa tilmaamay in aan sharci loo marin magacaabista shanta xubnood waxa uuna xusay in aysan wasiirradu tixgelin sharciga lagu dhisayo Golaha Adeegga Garsoorka sharci lambar 28 oo soo baxay 2014, waxa uuna yiri “ farqadda 1’aad qodobka 6’aad sharciga lagu dhisayo Golaha Adeegga Garsoorka ayaa sheegaysa in labo qareen sare oo xubin ka ah ururka qareennada Soomaaliyeed ay soo magacaabayaan si ay xubin uga noqdaan xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka”.
Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ku taqasusay dastuurka kana tirsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ayaa yiri “Waa sharci-darro magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka ee xukuumadda Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxayna ka hor imaaneysaa dastuurka qodobka 97 farqaddiisa 4’aad”.
Qodobka 109 ee Dastuurka oo ka hadlaya dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ayay farqaddiisa labo xarafka (D) waxa ay u dhigan tahay sida tan “ labo garyaqaan oo ka tirsan garyaqaannada Soomaaliyeed oo mid walba xilli afar sano ah ururka garyaqaannada ay magacaabeen”.
Dhanka kale Dastuurka ku meel gaar ka ah qodobkiisa 103 ee ka hadlaya xukuumad xil-gaarsiin ah ayaa u dhigan sida tan “ inta u dhaxaysa taariikhda doorashada guud iyo marka ra’iisul wasaare cusub la dhaarin doono, ra’iisul wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee dowladda si xil-gaarsiin ah”.
Siyaasiyiin iyo aqoon-yahan Soomaliyeed ayaa iyana dhankooda siyaabo kala duwan uga hadlay waxayna ku soo hooriyeen in xukuumad aan heysan kalsoonida baarlamaanka looga fadhin shaqooyin cusub inay billowdo.
Xisbiga Wadajir oo soo-saaray warqad ayaa ku yiri “ xukuumad haysata kalsoonida baarlamaanka ayaa awood u leh in ay soo jeediyaan 3 xubnood oo sumcad sare ku leh bulshada Soomaaliyeed, sida ku xusan dastuurka qodobkiisa 109 farqadiisa 2 xarafka F iyo qodobka 6’aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka 2014”.
Khamiis July 30, 2020 kulan Golaha Wasiirrada yeesheen ayaa lagu ansixiyay guddiyada Golaha Adeegga Garsoorka, golaha maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed, golaha maamulka hay’adda taya-dhawrka Soomaaliyeed.
Hay’adda tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayey u magacaabeen Maareeye Aadan Xasan Barre halka
Ku-xigeen u magacaabeen Caydaruus Macallim Xasan.
Golaha wasiirrada ayaa soo-jeediyay in Golaha Adeegga Garsoorka ay ka mid noqdaan:-
- Abdulqaadir Sheikh Ismaaciil Aw-xaashi
- Cali Maxamuud Xasan Ali-wajiis
- Cabdullaahi Cali Cismaan Xiireey
- Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Caddaani
- Ifraax Maxamuud Cumar
Si la mid ah xukuumadda dhacday waxay Guddiga Mamulka hay’adda batrool-ka Soomaaliyeed u magacaabeen:-
- Ibrahim Cali Xuseen
- Caa’isha Cusmaan Axmed
- Ibraahim Axmad Layte
- Cabdulqaadir Aadan Maxamuud
- Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed
- Axmed Xaashi Cabdi
- Cabdixafiid Cali Dirir
- Mahad Maxamed Sheih Xasan