U bood dhigaalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaalada Istanbul Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Amniga

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa munaasabad soo dhaweyn ah magaalada Istanbul u sameeyay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” iyo wafdi oo hogaaminayo.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Istanbul ayaa madaxweynaha Galmudug ku amaanay shaqooyinkii muhiimka ahaa uu ka qabtay intii maamulayay Galmudug.

Madaxweynaha Galmdug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga uga mahadceliayay soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga kala duwan ee la socda.

Goobjoog News