U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Qaxay Suuriya oo Soo Gaaray Deegaannada Galmudug

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug qoysas u dhashay wadanka Suuriya oo muddo dagaallo ay ka holcayaan.

Qoysaskaan oo ka kooban rag habeen iyo caruur ayaa Soomaliya kasoo galay dhanka xeebaha gobolka Bari ee Puntland, waxaana ay ka yimaadeen wadanka Yeman oo isagu xasilooni aysan ka jirin.

Dadkaan Qaxootiga ah ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxaa soo dhoweeyey maamulka degmada iyo Culimaaudiinka, waxaana la dejiyey guryo ay ku nagaadaan.

Qoysaska oo la wareystay ayaa sheegay in ay doonayaan dhul nabdoon, maamulka degmada Dhuusamareebna waxaa uu xusay dhankiisa  haddii ay goostaan in ay joogaan in ay siin doonaan dhul ay deegaamaystaan.

Wadanka Suuriya ayaa waxaa muddo ku dhow sanadood ah ka holcaayo dagaallo, wajiyo badan leh  shacabka wadankaasi ayaana ukala qaxay jihooyinka Bariga dhexe Yurub iyo Afrika iyaga oo raadinaayo dhul nabdoon.

Goobjoog News