U bood dhigaalka

Goodax Barre oo Ku Dhawaaqay Waqtiga La Shaacin Doono Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad

Sheeko:Waxbarashada

Siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare la shaacin doono asbuuca soo aadan.

Wasiirka ayaa xusay in hadda uu soo gabagaboobay sixitaankii lagu waday imtixaanka lana dejinayo maalmahaan natiijada arday ay kala yimaadeen imtixaankii ay galeen, maadaama ardaygu ogaanayo natiijada isaga jooga guriga.

” Waxaan rajaynaynaa sitimaankaan soocda gudihiisa, weliba maalmihiisa hore aan shaacino natiijadii, waxaan rabaa inaan idiin kugu bishaareeyo in marka laga hadlaayo natiijada soo dhajiskeeda in maanta uu soo afjarmay sixitaankii wixii haray in ay tahay  natiijadii abaabulkeedii iyo system-ka la geliyo si qof weliba isaga oo gurigiisa jooga uu natiijadiisa u helo intaas waa intaas” ayuu yiri siihayaha wasaradda waxbarashada Goodax Barre,.

Goobjoog News