U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Jaamacadda UDST ee Qatar oo Heshiis Iskaashi ku Gaaray Horumarinta Tacliinta Farsamada

Sebteembar 2, 2026

DOHA (Goobjoog News) — Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Doha (UDST) ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu horumarinayo tacliinta farsamada iyo tababarrada xirfadeed ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa xoogga saaraya diyaarinta barnaamijyo waxbarasho oo wadajir ah, tababarka macallimiinta, hubinta tayada waxbarashada iyo kobcinta hay’adaha tacliinta sare ee dalka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa iska kaashan doona maadooyinka muhiimka ah ee ay ka mid yihiin tiknoolajiyadda macluumaadka, nidaamyada xogta, injineernimada dhismaha, farsamada korontada, tamarta la cusboonaysiin karo iyo maaraynta adeegyada caafimaadka.

Qorshaha heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in gudaha Soomaaliya laga hirgeliyo machad waxbarasho oo ay si wadajir ah u taageeraan Soomaaliya iyo Jaamacadda UDST, kaas oo bixin doona barnaamijyo tacliin iyo tababbarro farsamo.

Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo diyaarinta dhalinyaro xirfad leh oo ka jawaabi kara baahida sii kordheysa ee suuqa shaqada iyo horumarinta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin goobta rasmiga ah ee machadka laga dhisayo, miisaaniyadda mashruuca, jadwalka howlgalka iyo faahfaahinta kale ee muhiimka ah.