Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 8aad ee sanad-dusgsiyeedka 2025/2026.
Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee natiijada, imtixaanka waxaa u fariistay 18,103 arday, kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
Waxaa imtixaanka ku guuleystay 17,916 arday, taas oo u dhiganta 99 boqolkiiba. Ardayda gudubtay waxaa ka mid ah 10,407 wiilal ah iyo 7,509 gabdhood.
Dhanka kale, 187 arday ayaa ku haray imtixaanka, kuwaas oo ka kooban 119 wiilal iyo 68 gabdhood, tiradaas oo u dhiganta 1 boqolkiiba guud ahaan ardaydii imtixaanka u fariisatay.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 1,685 arday ay ka baaqdeen imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad-dusgsiyeedka 2025/2026.
Natiijadan ayaa muujinaysa heerka waxqabadka ardayda fasalka 8aad ee Koonfur Galbeed, iyadoo inta badan ardaydii imtixaanka u fariisatay ay ku guuleysteen inay gudbaan.