U bood dhigaalka

Jubaland oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad

Ogoosto 27, 2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026.

Sida lagu sheegay xogta natiijada, imtixaanka waxaa u fariistay 5,778 arday, waxaana ku guuleystay 5,720 arday, taas oo u dhiganta 99 boqolkiiba tirada guud ee ardayda imtixaanka gashay.

Dhanka kale, 58 arday ayaa ku haray imtixaanka, kuwaas oo ka dhigan 1 boqolkiiba.

Natiijada ayaa sidoo kale muujisay in kaalmaha ugu sarreeya ay si weyn ugu guuleysteen gabdhaha, iyadoo 10-ka kaalin ee ugu sarreysa ay ku kala jiraan 11 gabdhood iyo 3 wiil.

Shaacinta natiijadan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qiimeynta waxbarashada iyo dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada ee Jubaland.

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Jubaland ayaa sidoo kale ardayda u diyaariyay nidaam online ah oo ay kaga hubin karaan natiijooyinkooda.