Muqdisho (Goobjoog News) — Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay inaysan jirin adeeg ay wasaaraddu bixiso oo lacag laga qaado dadka.
Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in Wasaaradda Waxbarashadu ay bilowday inay iskuullada sida gaarka ah loo leeyahay ee gobolka Banaadir siiso taageero lacageed oo dhan 300 oo doollar bishii.
Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in taageeradan loo qoondeeyay iskuullada gaarka loo leeyahay, hase yeeshee ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada iskuullada ka faa’iideysanaya barnaamijkan.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan dadaallo lagu horumarinayo waxbarashada dalka, lana doonayo in la xoojiyo taageerada la siiyo xarumaha waxbarashada.