Madaxweyne Qoorqoor oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyey Muqdisho
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wefdi ballaaran oo ka kooban labadda gole ee DGM, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo siweyn loogu soo dhweeyey.
Xubno ay kamid ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee BFS Abshir Maxamed Axmed, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Cumar Filish iyo xubno kale ayaa ka qeyb ahaa soo dhoweynta.
Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in dhankooda ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan kulanka 4-aad ee looga hadlayo arrimaha doorasho ee dalka, kaas furmi doona maalinta Khamiista.
Goobjoog News